Taliska ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale ku celiyey baaqii horey loogu yeeray dhallinyarada weli aan ka faa’ideysan fursadda ay dowladda Soomaaliya u siisay in ay isaga soo baxaan deegaannada ay gabbaadka ku yihiin Malleeshiyaadka Al-Shabaab.
Taliyaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa Qalabka warbaahinta Qaranka uga jeediyey dhalinyarada Al-Shabaab ka tirsan ee weli aaminsan hadafka fashilmay ee kooxdaasi, isagoo sheegay in ay ugu yeerayaan nabad iyo horumar, balse haddii aysan u dhaga nuglaan baaqyada loo jeedinayo in dowladda ay qaadan doonto talaabadii ugu dambeysay ee looga hor-tagayo dhagarta kooxda Al-Shabaab.
Dhinaca kale Abaan duulaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Saree Guuto C/kariim Yuusuf Aadan “Dhaga badan” ayaa hoosta ka xariiqay in ay sii laba jibaarayaan howlgallada ay ka wadaan deegaannada kooban ee ay Al-Shabaab ku sugan yihiin, isla markaana la soo gabagabeyn doono howlgalladaasi dalka lagu xoreenayo.
Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidammada AMISOM ayaa Todobaadkan iyo kii ka horreeyey guulo waa weyn ka gaaray howlgallo ay ka kala sameeyeen gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose, iyadoo ciidammada weli ay ku sii fidayaan deegaannadii ay ku dhuumaaleysanayeen malleeshiyaadka Shabaab.
Idale News Muqdisho