Toos ula soco shirka ka dhacaya Jowhar oo uu ku sugan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh

0
191

Jowhar(INO)- Shirka ayaa waxaa fadhiya Madaxweynaha dowlada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud qaar kamid ah golaha wasiirada iyo golaha baarlamaanka waxaana qudbadii ugu horeysay qaatay,Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdulahi Xuseen oo qaatay qudabadii ugu horeysay kulanka uu ku soo dhoweeyay madaxweynaha gobolka Sh/dhexe.

“shacabka gobolka ioy ciidamada dowlada dhexda ayay u xirteen soo dhoweynta iyo martigelinta siddeed bilood waana alle mahadii in wax dhib ah aysan ka dhicin.”ayuu yiri guddoomiye Guudlaawe.

Sidoo kale gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa u mahadceliyay ergada gobolka Hiiraan oo muddo sided bilood ah sabrayay jowharna ku sugnaa.

“Maamulada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa lamideynayaa balse shacabka gobolka hore ayuu u mideysnaa.”ayuu sii raaciyay.

GUddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa ugu dambeyntii ku dhowaaqay “Madaxweyne ku soo dhowoow gobolka Sh/dhexe.”

Waxaa qudbadii qaatay duubabka dhaqanka waxaana ugu horeyn hadlay Caaqil maxamed xuseen raage waxana uu amaanay shirka kadibna waxaa hadlay Ugaas cabdulahi ugaas saalax isagana soo dhoweyn iyo rajo ayuu muujiyay hase yeeshee Suldaan Axmedrashiid Sheekh Shuceyb ayaa rajo xumo ka muujiyay shirka iyo soo dhoweynta madaxweynaha waxana uu dhaliilay in magaalada Muqdisho laga sameeyo shirar uu ku tilmaamay qudbo sireed. waxana uu sheegay in suldaanka musharaxiinta ay diyaar yihiin nabadna jowhar uu ka jiro isagoo ammaanay maamulka gobolka Sh/dhexe.

Wabar Maxamed Wabar Axmed ayaa qudbada lagu soo dhoweeyay waxana uu sheegay in hadda la gaaray gabagabo waxana uu rajo ka muujiyay in maamulka labada gobol la dhiso isagoo xusay in awooda la qeybsado.

“Mudane Madaxweyne Reer Hiiraan waxa ay diyaar u yihiin in la dhiso labada maamul ee Sh/dhexe iyo Hiiraan, waan ku celinayaa reer Hiiraan waa ku dhan yihiin shirka.”

Duubabka dhaqana waxa ay diyaar u yihiin in taladaada ay qaataan 71 xildhibaan ayaan naloo dhiibay inaan qeybsano diyaarna waan u nahay ayuu yiri Wabar Maxamed Wabar Axmed

Shirka ayaa waxaa hadda hadalka qaatay Ugaas Cabdraxmaan Ugaas Cabdullahi salaam kadib, ayuu Ugaaska u mahadceliyay maamulka gobolka Sh/dhexe oo uu uu horeeyo gudoomiyaha sida quruxda badan ee ay  u soo dhoweeyeen ergada gobolka hiiraan iyo weliba wafdiga madaxweynaha.

Sidoo kale Ugaaska ayaa u mahadeliyay ergada gobolka Hiiraan oo muddo siddeed bilood ah ku sugnaa Jowhar.

“Waxaan u fadhinaa dhamaystirka shirka labada gobol maamulkooda cid kamaqana ay aad u yartahay dhaqan iyo waxgarad iyo siyaasiba ay u dhan yihiin, waxaan rajeynaynaa in dhamaystirka ilaahay noo fududeeyo.”ayuu yiri ugaas Cabdraxmaan.

Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdulle  ayaa mahadcelin kadib sheegay in shirkan waayaaragnimo badan laga qaatay. “Mudane Madaxweyne waqtigii aad noo furtay shirka waxaa dhashay ilmihii calool galay in dad kale loo xayirnaadana waa qalad diyaar ayaan u nahay in la dhamaystiro shirka.”ayuu yiri Ugaas Maxamuud.

Wakiil ka socda urur goboleedka IGAD Jamaal Xaaji Axmed ayaa hadalka qaatay waxana uu sheegay in doorka IGAD howsha geedi socodka maamulka labada gobol waxa uu ku egyahay in aan la fududeyno wasaarada arrimaha gudaha iyo oday dhaqameedyada sidii maamul u sameysan lahaayeen.

“Waxaan dooneynaa maamul xalaal ah oo loo dhan yahay inaan marqaati ka noqono, kulan ayaan la qaadanay duubabka dhaqanka una sheegnay inaysan IGAD aysan ahayn doorkooda dhisida maamulka balse ay tahay oo kaliya fududeynta waana ku heshiinay in ay dhistaan maamulkooda.”ayuu yiri Jamaal oo  wakiil ka ahaa urur goboleedka IGAD.

“Annaga waxaan nahay marqaati iyo howlfududeyn waxaan diyaar u nahay in warmurtiyeedka IGAD uu cadeynayo golaha madaxweynayaasha go’aanada ay ka gaareen waxaan diyaar u nahay inaan gacan iyo hiil hoo aan ka siino shacabka Soomaaliyeed.”ayuu sii raaciyay Jamaal Xaaji Axmed.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arrimaha gudaha Yaxye Cali Ibraahin ayaa hadalkii qaatay salaam kadib waxaa uu u mahadceliyay duubabka dhaqanka iyo maamulka gobolka.

“Waxa sharaf inoo ah in Madaxweynaha jamhuriyada fedralka in shirkan uu soo xoojiyo yimaadana mar kale Jowhar.”ayuu yiri Yaxye Cali.

“Geedi socodka maamul u sameynta labada gobo loo dhowr bilood soo qaatay ayay ila tahay in aan waddo fududeynayso dhismaha maamulka labada gobol inaan hayno, mudadii shirka soo jiitamayayna aysan ahayn waqti qasaaray.”ayuu yiri Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada Arrimaha Gudaha.

Waxaa qudbadii qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud salaan kadib waxa uu qirey qudbadihii ay sheegeen duubabka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in howsha federaalaynta ay dowladihii isaga ka horeeyay ay go’aansadeen balse talada dadka ay gacantooda ku jirto.

“Muhiimada waxa ay tahay in aan mas’uul meel kale laga soo magacaabay uu talada hayo,waxaa diyaar u nahay in talada dalka la baahiyo dadkana la yiraahdo yaa idin xukumaya oo maamulka hoosta laga soo dhiso.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in shacabka dhexdooda ay ka soo xushaan qofkii maamuli lahaa.

“Mushkilada aan qabno ayaa ah shalay wixii dhacay geeli nalaga dhacay gabadhii nalaga dharbaaxay,aqalkii sidaa la yeelay weli dadka maskaxdooda ka sii guuxayso taasna in laga gudbo ayaa loo baahan yahay xaqiiqdana waxa ay tahay qofka shalay ku nool maanta wixii socday waa ay dhaafeysaa berina maba oga oo waa dhaafeysaa qofkaasna waa shalay ku noole.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waxaa la doonayaa in dadka labada gobol dhexdooda is daaweeyaan,heshiiyaan,is booga dhayaan oo laga soo tago wixii tegey samirna la yeesho.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. ‘Go’aanka ugu dambeyntii gacantiina ayuu ku jiraa Wasaarada arrimaha gudaha ayaa idinla joogta IGAD waa fududeeyayaal,qofkii fikir kale qaba waa inuu bulshada dhex yimaada oo ku soo bandhigaa, qofka aan ra’yiga dadka aan soo raacin isagana marka uu ra’yi soo bandhigo lama raacayo.”ayuu yiri Madaxweyne.

“Wax walba waxa ay ka bilowdaan is qadarin iyo is ixtiraamka,fekerka qof kale leeyahay haddii aysan kuu cuntami karin waa in si asluubeysan aad ku diidaa.”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dowlad goboleedyada laga dhisay dalka ay caqabado badan ka horyimaadeen dhismahoodii balse markii dambe lagu heshiiyay markii adkeysi badan la sameeyay.

“Wax ka jira malahan in aan aniga aan doonayo in xildhibaano ii codeysa inaan ka sameysto labadan gobol wararkaasna waa been abuur.”ayuu yiri Madaxweynaha.

“Qof taqaan malahan wiilka ama gabadha xildhibaan noqonaysa inkabadan toban kun oo ergo ayaa dooranaysa xildhibaanada cid ogna ma jirta qofka ku soo baxaysa.”ayuu sii raaciyay Madaxweynaha.

“Madashii hogaanka kulankii 8aad ayaa soo dhamaaday go’aano ayaa la gaaray dalka raad ku yeelanaya,labadan gobol ma fadhin shirka aniga waa run labada gobol waa ka soo jeedaa balse Madaxweyne qaran ayaan ahay gobol gaar ah malihi.”

Madaxweynaha waxa uu ku tirtirsiiyay shacabka labada gobol in ay ku dadaalaan in ay maamul dhistaan oo aysan ka harin gobolada kale.

“Dalka waa idin dhowrayaa wax dhismaya dhib iyo culeys waa ay leeyihiin wax badan ayaa dhiman oo ah in weli shabaab oo dhul ka haysto,khilaafaad yaryar ayaa jira balse waa maamul jira oo masiirka dalka wax ka go’aaminaya.”ayuu yiri Madaxweynaha.

“Wiilka marka uu dhasho ayuu dhaamiyaa, laakiin wiil aan dhalan ma dhaamiyo, waana in la barbaariyaa wiilkaas oo caqliga iyo jirkaba laga dhiso si uu saddex subaxley uu ka dhaamiyaa.”ayuu tusaale u soo qaatay madaxweynaha.

“Labadan gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe waxaan doonayaa in taladooda gaaraan waqti badan ayaa ka dhumaya waqtigiina gabogabo ayuu joogaa inay meel fadhiistaan oo go’aan gaaraan oo wax la kori karo oo la barbaarin karo ay keensadaan lana mid noqda wiilasha kale.”ayuu sii raaciyay hadalkiisa Madaxweyne Xasan.

“Dacaayada waa in la dhagaysan sida qof cabsi meel ku xirxiran iyo mid kale oo caqliga ka xumaaday oo adiga guushaada guul darro u qaatay.”ayuu yiri Madaxweynaha.

“Labadan gobol waa in maamul ugu sahlan waqti gaabana ku hirgala waa in la dhistaa,dowladana waxa ay diyaar u tahay in ay gacan idin siiso dowladana ay garab istaagi doonto.”ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaad naga sugeysaan in ciddii carqalad idinku ah oo nabad diid ah aan idinka celino balse go’aanka ayay gacanta idinkugu jirtaa oo wax aad heshiis ku tihiin aad dhistaan federalkana aad ka mid noqotaan.

“Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in kulamadii Madasha marwalba ay ka hadlayeen maamulka ka dhiman ee labadiina gobol. Balse marna kuma tashan in ay maamul idiin dhisaan, waxay doonayeen madaxda dowlad goboleedyada inay shalay idiin yimaadaan oo idinla hadlaan balse isgaarsiin la’aan ayaa idin iman waayaan,marwalba waxa ay dhiirigelin la garab taagan yihiin inaad maamulka dhistaan.”ayuu yiri Madaxweynaha.

Gabagabadii qudbadiisa ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ugu baaqay dadka ka maqan shirka inay ka soo qeybgalaan wixii fikir ah ee ay qabaan   ay gogasha ku soo bandhigaan.