Daawo: Soomaaliya iyo Kenya oo heshiis kala saxiixday

0
185

Muqdisho(INO)- Ka dib kulan maanta Magaalada Muqdisho ku dhex maray Madaxweyne-yaasha Somaliya iyo Kenya, ayaa waxay ku kala saxiixdeen heshiis ka kooban afar qodob. Kulankan waxaa uu barbar socday midkii ay yeesheen Madaxda Wadamada Igad.

Labada dhinac, ayaa waxay ku heshiiyeen in la fasaxo qaadkii la keeni jiray Somaliya, oo Dowladda Somaliya ay dalka ka mamnuucday 6-dii bishan, in Kenya iyaduna joojiso baaritaanada Somalida lagu marsiiyo Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari, kolka ay u safrayaan Magaalada Nairobi, in xuduuda laga hirgeliyo dhul la garanayo oo lagu kala gudbiyo ganacsiga labada dal iyo in laga wada shaqeeyo ammaanka.

Amina Maxamed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, ayaa gaba gabadii shirkan shir jaraa’id ku faah faahisay qodobadii ay labada dhinac ku kala saxiixdeen Magaalada Muqdisho.

Waxay tiri “Labada hogaan waxay isu raaceen in ay horumariyaan ganacsiga, lana qaado dhammaan tallaabooyinka xayiraadda ee qaadka la saaray,iyagoo isu raacay in la soo celiyo dhoofinta qaadka. Waxayna bilaabanaysaa afar iyo tobanka bishan oo ku beegan Arbacada berrito ah.”

Amina, ayaa tiri “Waxay kaloo isu waafaqeen sidii loo qaadi lahaa marinka Wajeer ee baaritaanada lagu marsiiyo dadka Somalida ah, si amniga loo hubiyo, iyadoo lagu bedelaayo tallaabo suggid amni ah oo laga hirgelinaayo Garoomada Aadan Cadde iyo Jomo Kenyatta. Waxaana leesku raacay in ay dhaqangasho muddo saddex bilood ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in isaga iyo dhigiisa Kenya ay ka wada hadleen qodobo waawayn oo khuseeya labada dal. Madaxweynuhu waxaa uu xusay in labada dal yihiin laba dal oo saaxiibo ah, isu aragtina ka ah xoojinta saaxiibtinimadooda, hadda iyo mustaqbalkaba.

Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Kenya oo ka barbar hadlaayay dhigiisa Somaliya, ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay ku wada gaareen Caasimadda Muqdisho.

som-ken som-ken1 som-ken2 som-ken3 som-ken4 som-ken5 som-ken6 som-ken7 som-ken8 som-ken9