DEG DEG: Dagaal Culus oo Gabaldhacii Maanta Illaa Caawa Ka Socda Muqdisho

0
184

Muqdisho(INO)-Ciidan ka wadatirsan Dawlada Soomaaliya ayaa gabaldhacii maanta illaa caawa waxay ku dagaallamayaan inta u dhaxysa Isgoysyada Daljirka Daahsoon iyo Jubba oo u dhaxeysa degmooyinka Shingaani iyo Boondheere, gaar ahaan ku dhow xarunta wasaaradda amniga.

Iskahorimaadka ayaa ka dambeeyey markii gaari ay wateen Ciidan Boolis ah ay istaajiyeen Ciidan kale oo Meliteri ah balse ay ka dhago adeegeen amarka istaajinta loo jeediyey.

Rasaas ayaa waxa furay Ciidankii ku sugnaa Koontaroolka ku dhaw Daljirka Daahsoon iyadoo ciidankii kale Ee amar diidada sameeyey ay iyaguna jawaab bixiyeen.

Wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in seddex qof ay ku dhaawacmeen iskahorimaadkaasi iyadoo qof kalena uu dhintay dhamaantoodna dadkaasi waxay ahaayeen Shacab ka ag dhawaa goobtaasi.

Dagaalka ayaa si qabow ku billowday hase ahaatee mid xooggan ayuu isku bedalay kadib gurmad Labada dhinac ay kala heleen.

Caawa weli waa uu socdaa dagaalka, waxay hadda saacadda ku beegan tahay 7-dii Fiidnimo, dagaalkana waa mid socda, dhawaqa rasaastana illaa hadda magaalada oo dhan waa laga maqlayaa.

La soco wixii soo kordha