Wararka naga soo garaya Magaalada Kismaayo ayaa waxaay tibaxayaan in galabta xaalada Guud ee Magaalada ay dagaan tahay islamarka ay ka duwan tahay sidii Shalay.
Sidi aan saakay idin ku soo tabinay in ay socdaan wadahadalo lagu doonayo in lagu soo afmeero shaqaaqadi shalay ka dhacaday magaalada Kismaayo ayaa waxaana soo garaya in Wadahadaladaasi ay ku soo dhamadeen guul iyo isfahan.
Wadahadaladaan ayaa waxaay ka dhaceen Hotelka Tawakal ee Magaalada Kismaayo waxaana ka qayb qadanayay Odayaasha dhaqanka Kismaayo iyo Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo.
Sida la soo sheegaayo dhinacyada ayaa wadahadalki u dhexeeyay ku heshiyay waxaana wali la sugayaa qodobada rasmiga ah ee ay ku heshiyeen .
Isgarsiinta kale duwan ee Magaalada Kismaayo ayaa galabta mar labaad maalmo gudahood hawada laga saray Isgarsiinta ma cada sababta rasmiga ah ee Isgarsiinta Hawada loga saray balse warbaahinta Kismaayo waxaay ku raad joogta sababta ka danbaysa in Isgarsiinta Magaalada Hawada laga saaro.
Dhanka kale waxaa sidii logu tala galay u socda Shirweynihi ka socda Magaalada Garbaharey ee Xarunta Gobolka Gedo wariyaha Kismaayo24 ee Gobolka Gedo Shariif Axmed ayaa waxaa uu soo shegay in dhinacyada ku shiraya Garbaharey ay isla garteen qodobo ay ka mid tahay in si guud loga qayb galo shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.
Wariyaha ayaa waxaa uu sido kale soo shegaya in la sameyn doono Gudiyo kala duwan waxaana gudiyadaas qaybi ay ka qayb galaysa Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo halka qaybta kale lo xilsarayo in ay awooda saraan Xoreynta Dagmoyinka ku dhiman gacanta Xarakada Al-Shabaab.
Dhanka kale Magaalada Garbaharey ee Xarunta Gobolka Gedo waxaa soo garay saraakil ka socota Dowlada Mareykanka kuwaas oo kulamo la qatay masuliyiin ku sugan Garbaharey waxaay sido kale Saraakishaasi Musharaad u qaybiyeen Ciidamada Dowlada ee Gobolka Gedo iyo Ciidamada Ahlusunna.
Sida aanu ka soo xigaanay ilo xog ogaal ah Shirweynaha Garbaharey waxaa la soo afjaraya Maalinta bari ah waxaana la filaya in Siyaasiyiinti ka qayb galaysay Shirkaasi iyo Ergoyinka ka socday Gobolka Gedo ay Magaalada kismaayo ku soo garaan Mudo 3 casho gudahood ah.
Idale News Muqdisho