Kuuriyada Waqooyi oo mar kale tijaabin rabta nukliyeer xili qeyla dhaan laga soo saaray tijaabadii hore

0
170

Soul(INO)- Dowladda Kuuriyada Koofureed ayaa waxay ka digeysaa in Kuuriyada Waqooyi ay isu diyaarineysa inay nukliyer kale tijaabiso.

Waxay sheegayaan in , sida ay ka ogaadeen sawiro dayax gacmeed oo laga qaaday gobol buuraley ah, waxaa lagu ogaaday in labo kamid ah seddaxda kanaal ee tijaabada la isticmaalay.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koofureed ee Yanhap, waxa ay daabacday in Waqooyigu ay dhameystirtay diyaarinta.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in tijaabada seddaxaad ay xilli kastaa qaadi karto.

Tijaabadii Nukliyerka ee Kuuriyada Waqooyi ay sameysay jimcihii aanu soo dhaafnay waxa uu aad uga xoog badnaa afartii tijaabo ee ay horey u qaaday.

Dowladaha reer galbeedka ayaa si weyn u cambaareeyay tijaabadaasi.