Munaasabad balaaran oo lagu maamuusayay sanad guuradii aas-aaska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabadan oo uu soo qaban qaabiyey Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo loogu dabaal degayay sanad guuradii 43 ee ka soo wareegta markii dhidibada loo tagaay ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa ka dhacday xarunta xabisiga dhexe ee Muqdisho waxaana ka qeyb galay qaar ka mid ah golaha wasiirada, saraakiil ciidan fanaaniin iyo marti sharaf kale.
Intii ay socotay munaasabada ayaa waxaa ay ciidamadu ay sameyeen dhoolatus iyo dabaal dagyo ay ku muujinyaan awooda ciidamada Asluubta waxaana sidoo kale fanaaniinti ka qeyb gashay ay ku soo bandhigeen heeso iyo riwaayado ka turjumayo waxqabadka ciidanka Asluubta.
Taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta Xuseen Xasan Cusmaan oo hadal ka jeediyay munaasabada xuska sanad guurada 43-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska ciidamada Asluubta ayaa sheegay in ciidanka Asluubta ay soo mareen marxalado kala duwan balse haatan ay ka soo kabteen ayna haatan hayaan howlo adag.
Wasiirka garsoorka Cadaalada Owfaaqta iyo Arrimaha Diinta ayaa ciidamada ugu hambalyeeyay sanad guurada ay u dabaal dagayaan isagoona kula dardaarmay in ay si hufan u gutaan waajibkooda.
Sidoo kale wasiirka difaaca Dalka Mudane C/xakiim Maxamuud Xaaji ayaa xusay in ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu saldhig u yahay Qaranimada iyo jiritaanka shacabka.
Ugu dambeyntii waxaa goobta hadal ka jeediyay wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed wax uuna xusay in uu salaam uga sido ciidamada Asluubta Madaxweynaha iyo R/wasaaraha waxa uuna intaasi raaciyay in madaxda dowladda ay ku howlan tahay sidii dib u haben balaaran loogu sameyn lahaa ciidanka Asluubta.
Munasabada lagu maamusayay sanad guuradii 43 ee ka soo wareegtay markii la dhisay ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ku soo idlaatay jawi aad u wanaagsan waxaa ciidamadu ay ahaayeen kuwa wijiyadooda ay ka muuqatay farxad ku aadan xuska maalinta la aas aasay ciidanka.
Idale News Muqdisho