Kulan looga hadlayay Aminga iyo qaadista Canshuurta oo ay yesheen agaasimeyaasha maamulka G/banaadir

0
191

Kulan looga hadlayay amniga iyo qaadista canshuuraha gobolka Banaadir ayaa maanta agaasimayaasha maamulka gobolka Banaadir ku dhexmaray magaalda Muqdisho kaas oo uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka gobolka ee dhinaca amniga.

Kulankan oo ahaa mid heer sare  ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan agaasimeyaasha waaxaha kala duwan ee gobolka Banaadir, ayaa waxaa kulanka diirada lagu saaray sidii  loo xaqiijin lahaa amaanka  gobolka waxaana lagu qabtay xarunta  maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka  siyaasada iyo arrimaha bulshada Cali Axmed Guure oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in  ahmiyada kulankan ay tahay sidii loo xoojin lahaa amaanka gobolka  maadama amaanka uu  laf dhabar u yahay bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uuna intaasi ku daray in agaasimeyaasha waaxaha gobolka Banaadir ay ka shaqeynayaan  sidii  loo dar dar galin lahaa qaadista canshuurta si wax looga qabto adeegyada kala duwan oo ay bulshada u baahanyihiin.

Kulankan ayaa ah mid dhaca Axad walba kaas oo looga hadla dib usoo celinta dhamaan adeegyada aas-aasiga ah oo ay u baahanyihiin  shacabka Soomaaliyeed.

Idale News Muqdisho