Mas’uuliyiin uu hogaaminayay maamulka Puntland oo uu horkacayay madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta waxa ay magaalada Garoowe ee xasunta Maamulka Puntiland uga qeyb galeen mudaaharad kadhan ahaa Shabaab.
Dibadbaxayaasha oo isugu jiray haween, Carruur, Arday, Culumaa’udiin, iyo Dhallinyaro ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah kooxda Al-qaacida xariirka laleh ee Shabaab, waxaana halkaasi khudbado ka jeediyay Faroole oo sheegay in Shabaabku ay yihiin naxariis laawayaal aan cidna u tureyn.
Dibad baxaan ka dhacay Garoowe ayaa waxaa amaankiisa si aad ah u ilaalinayay ciidanka nabadgelyada Puntiland iyada oo laga cabsi qabay in weerarro gaadma ah ka geestaan Shabaab maadaama mudaaharaadkaan horay loo sii iclaamiyay in uu dhici doono.
kooxda al-Shabaab ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen dilkii Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo lagu khaarijiyay magaalada Garoowe isaga oo dukanaya Salaada Casirka.
Idale News Muqdisho