Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed General Shariif Sheekhuna Maye iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminaayo, ayaa waxay maanta u amba baxeyn Magaalada Free Town ee dalka Sierra Leone.
Taliyaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa si weyn looga sogaatiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana Isniinta berito ah lagu wadaa inay ka deggaan Magaalada Free Town.
Ku Simaha Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ahna Taliyaha Akademiga General Kaahiye, ayaa wuxuu sheegay in Taliyaha Ciidamada Booliska iyo wefdigiisa ay toddobo maalmood, soo jooggi doonaan Magaalada Free Twon.
General Shariif Sheekhuna Maye ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Free Town uu kula soo kulmo Madaxda Dowladda Sierra Leone, iyadoo Dowladda Sierra Leone ay Ciidamo ka jooggaan dalka Somaliya.
Idale News Muqdisho