Shir ay garwadeen ka yihiin Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Ciidamada AMISOM ayaa haatan ka socda garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, kaasoo looga hadlayo dagaalkii shalay ka dhacay magaalada.
Wararka laga helayo garoonka diyaaradaha ayaa sheegaya in Saraakiil ka kala socda dhinacyada shalay dagaalamay ay ku sugan yihiin halka shirka ka socda, waxaana goor dhow ku soo biiray Odayaal, waxgarad, Ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Shirkan ayaa waxaa looga arrinsanayaa sidii xal looga gaari lahaa dagaalkii shalay, waxaana saraakiisha Kenyanka ku howlan yihiin in labada dhinac ay ku qanciyaan wada hadal si dagaalka lagu joojiyo.
Kolonyo ay leeyihiin Ciidamada Kenya ayaa lagu arkay goobihii shalay lagu dagaalamay, waxaana ay u muuqdeen kuwo xaalada dajinayay oo kala dhex galay dhinacyada dagaalamay, si aanay mar kale isugu noqsan.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in saraakiisha labada dhinac waa ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskambooni loo qaado magaalada Nairobi, si xiisada magaalada ka taagan loo dhameeyo.
Xaalada magaalada Kismaayo ayaa ah mid degan, waxaana caadi ah isu socodka gaadiidka iyo dhaq dhaqaaqa ganacsiga, inkastoo dadka ku nool magaalada ay isha ku hayaan shirka ka socda garoonka diyaaradaha Kismaayo waxyaabaha ka soo bixi doona.
Idale News Muqdisho