Daawo: Isbaheysiga Mucaaradka oo Shacabka ugu baaqey in wadooyinka xoog ku furtaan haddii dowladu diido furista wadooyinka xiran 4ta cisho

0
166

Mogadishu (INO)-Isbaheysiga Isbedel doonka oo socod dheer ku marey magaalada Muqdisho ayaa dowlada ugu baaqdey in wadooyinka oo maalintii 4aad xiran la furo, sidoo kalena waxay hay’ada amniga fareen in ay diidaan amarka dowlada ee lagu cunaqabateynaayo dadka shacabka ee horey ula daalaadhacaayey nolosha adag iyo dhaqaale xumida ka jirta dalka.

Mucaaradka ayaa sheegay in Imaanshaha IGAD aan loo xirin wadooyinka ee waxa loo xiray ay tahay in laga hortago kacdoon shacbi oo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaadey Xasan Sheikh Maxamuud looga hortago haddii uu diido inuu xilka ku wareejiyo guddoonka sare ee barlamaanka.

Halkaan Hoose ka daawo kulankii aya ku yeesheen socodkii dheeraa ay ku mareen wadooyinka gaar ahaa Daljirka Dahsoon iyo  casho sharaf uu u sameeyey musharaxa Madaxweyne Cali Ameriko.

Idale News Online, Mogadishu