Muqdisho(INO)- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay Madaxweynaha Somaliya inuu ka dhamaaday waqtiga uu haynaayo xilka dalka, islamarkaana uu ka dego Kursiga Madaxtinimada Somaliya.
Maanta oo taariiqda tahay 10-ka Bisha September waxa ay ku eeg tahay xilliga sharciga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu talada dalka ka degaayo, hayeeshe taasi ma muuqato.
C/wali Sheekh Axmed Maxamed Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan laga doonaayo inuu la mid noqdo Musharaxiinta dalka jooga ee aanan ku takrifalin hantida Qaranka.
“Hada Musharaxiinta ayaa la mid tahay Kursiga ayaad ka degaysaa, Villa Somaliyana waad ka soo baxeysaa, Babuurta aan xabadaha Karin anagaba ma haysano, meesha aan joogno meel ka xun lagu geyn maayo, meeshaas unbaad tageysaa, Madaxweynaha waqtiga waa uu ka dhamaaday mana aanan ogin sharci uu ku sii joogi karo”
C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan uga digay inuusan dalka iyo dadka Somaliyed dhibaato gelin, kursigana si nabad ah uga dego.
“Waxaan leenahay Xasan Sheekh Waqtiga waa kaa dhamaaday, waxaan ku leenahay ha isku adkeyn meesha waxaad ogtahay dadbadan oo isku adkeeyay inay dhibaato kala kulmeen, dhibaatana dalkooda u keeneen.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya.
Xaalada dalka xilligaan uu ku jiro oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa jira loolan badan oo u dhaxeeya Musharaxiinta iyo Madaxda talada dalka haysa oo Musharaxiin ah.