Muqdisho(INO)- Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Michael Keating, ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay Doorashada Somaliya inay ku dhacdo waqtigii loogu talo galay, xilli dib u dhac badan oo arimaha Doorashada ku saabsan ay jiraan.
Hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa Muqdisho weli waxaa uga socda Shir la’ isku mari la’yahay kaasi oo ah caqabada weyn ee ku hor gudban Doorashada Somaliya.
Michael Keating, waxa uu qiray inuu jiro Dib u dhac weyn oo ku aadan Doorashada Soomaaliya, taasina masuuliyadeeda ay leeyihiin Madaxda Somalida, isaga oo farta ku goday Jadwalka Doorashada Somaliya in dib u dhac ballaaran uu ka jiro.
“Jadwalka Doorashada ayaa xoogaa Dib u dhacay, si Hogaamiyeyaasha Somalida ay u dhameystiraan nidaamka Doorashada ay ku dhaceyso, dhab ahaantii hada oo aan kula hadlaayo waxa ay ka shariyaan arintaasi waxaan ku qanacsanahay in Dorashada ay dhici doonto dhowrka bil ee soo socota, balse waan arki doonaa in Doorashada ay ku dhacdo waqtigii loo qabtay.” Ayuu yiri Michael Keating oo la hadlay Idaacada BBC.
Michael Keating, ayaa sheegay Beesha caalamka iyo Ururada Bulshada Somaliyed inaysan dooneyn inay arkaan dib u dhac ku yimaado Doorashada Somaliya.
“Waxaa aad muhiim u ah in si dhab ah loo raaco jadwalka Doorashada ama sida ugu macquulsan loogu dhawaado waqtigaasi balse hadii ay jiraan sababo farsamo oo dib u dhac keeni kara laguna xaqiijinaayo in hanaanka Doorashada loo maareeyo sida ugu wanaagsan, marka taasi waa la fahmi karaa, balse waxaan la aqbali karin ayaa ah in Khilaaf siyaasadeed uu sababo Dib u dhac aanan waqtigiisa la ogeyn, Beesha caalamka iyo Ururada Bulshada ma doonayaan inay arkaan dib u dhac.
Ugu dambeyntii, Dowladda Somaliya oo si weyn uga caga jiideysa in dalka ay doorasho ka dhacdo, ayaa taasi bedelkeeda Dowladda waxa ay la kulmeysaa culeesaad kaga imaanaayo Beesha caalamka oo 60% bixisay Doorashada Somaliya.