Faah Faahin: Weerar culus oo ka dhacay Degmada Qoryooleey

0
174

Qoryooleey ( INO)-Weerarkaan oo ay fuliyeen dagaalamayaal Hubeysan kana tirsan Al Shabaab ayaa lagu qaaaday Bartamaha degmada Qoryooleey ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida ilo deegaanka ah ayaa Warbaahinta u xaqiijiyeen weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Ciidanka dowladda ee la weeraray.

Cali Maxamed Adan oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka dowladda ee ku sugan degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in weerarka uu bilowday kadib markii  Ciidamo uu horkacacayay oo roondooyin ka waday Xaafadaha degmadaasi Qoryooleey ay weerar gaadmo ah la soo kowsadeen Al Shabaab-ku.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay iska Caabiyeen Ciidamada dowladda federaalka ayna baacsadeen kadib sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo la hadlay Idaacadda Al Shabaab taageerta ayaa sheegay dagaalamayaashood ay gudaha u galeen Degmada Qoryooleey ayna weerareen  saldhig Ciidanka dowladda ku leeyihiin degmadaasi waxaana ay intaas ku dareen in weerarkaas ay ku dileen Askar fara badan oo ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya walow aysan cayimin.

Ugu dambeyntii, Mana jirto cid ka madax banaan dhinacyadaasi oo cadeyneysa khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi xalay ka dhacay degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.