Muqdisho(INO)- Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa howlgal qorsheysan waxa ay ku dileen rag ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib markii ciidamada ay heleen macluumaadka ku saabsan raggaasi Shabaabka ka tirsan.
Howlgalkaan ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Deeganada Saydheelow iyo Labaatan Jirow oo ka tirsan Gobolka Bay, sida uu sheegay Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed.
Ciidamada ayaa jidka u galay raggaan Shabaabka ka tirsan oo saaran mooto, waxaana saddexdii nin ee Shabaabka ahaa lagu dilay Howlgalkaasi.
Taliska Booliska Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Baydhabo waxa ay ku soo bandhigeen saddex qori oo ay wateen ragga Shabaabka ah ee la dilay.
Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay ragga la dilay meydkooda in looga soo tagay goobtii lagu dilay, wuxuuna ku hanjabay inay beegsan doonaan Shabaab meel kasta oo ay joogaan.
Wasiir dhaqan celinta iyo hub ka dhigista MaleeshiyaadkaKoonfur Galbeed Xasan Xuseen ayaa dhankiisa sheegay howlgalkaasi ay fuliyeen ciidamada Koonfur Galbeed inuu guul ku soo dhamaaday.
Xoogaga Shabaab weli kama aysan hadlin raggaan ka tirsan ciidankooda ee lagu dilay howlgalka qorsheysan ee ka dhacay Gobolka Bay.