Shirka Madasha Qaran oo Maanta la filayo in uu Muqdisho ka furmo

0
190

Muqdisho(INO) Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa maanta la filayaa in uu ka furmo Magaalada Muqdisho, sida warbaahinta Dowladdu ay sheegtay.

Shirkan Madasha Qaran ayay horey Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka ugu heshiiyeen in uu furmo 7 Bishan September, balse waa laga soo hormariyay maanta gelinka dambe ayaa la filayaa in uu furmo.

Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka ayaa la filayaa in maanta gelinka hore ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirkan Madasha Wadatashiga oo ah midkii ugu dambeeyay oo ay yeelanayaan Madaxda Soomaalida.

Shirkan ayaa inta badan waxyaabaha diirada lagu saari doono waxaa ka mid ah turxaan bixinta Goalaha Sare ee Baarlamanka, sidii tabashooyinka loo yarayn lahaa iyo arimo kale.