DHAGEYSO: Sheekh Yuusuf oo digniin u diray Mas’uuliyiinta gobolka Banaadir

0
181

Muqdisho(INO)Gudoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Xuseen Jimcaale ayaa digniin u diray mas’uuliyiinta degmooyinka iyo waaxyaha kala duwan ee gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku hanjabay in uu xilka ka qaadi doono dadka aan gudan waajibaadkooda shaqo.

Waxa uu sheegay in gudoomiyeyaasha , taliyeyaasha iyo cidwalba oo xil ka heysaa gobolka Banaadir in ay haboon tahay in ay shaqadooda gudato.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu xilka ka qaadaayo cidwalba oo aan si sax ah u gudan shaqadii loo idmaday.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay amniga gobolka Banaadir , waxaana uu dhammaan shacabka kunool gobolka Banaadir ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Hay’adaha kala duwan ee amniga gobolka Banaadir.

Wariye:Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)