Gaalkacyo(INO)Wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Soo Cadde ayaa fadeexad tii ugu cusleyd la kulmay xilli uu wareysi gaar ahj siiyey mid ka mid ah Idaacadaha caalamiga ah.
Wasiirka oo ka hadlayey xayiraadda saaran gaadiidka Koonfur ee hadda ku sugan Gaalkacyo ayaa sheegay in iyaguna arrintaasi ay u sameeyeen in amnigooda sugtaan.
Wuxuu sheegay Soo Cadde in Gaalkacyo dhanka Puntland oo kaliya qaraxyadu ka dhacaan, islamarkaana dhanka Galmudug aan wax qarax ah lagu arag.
“Annaga dhankeena kaliya maxaa qaraxyada u keena, maxaa loo laynwaayey shacabka ku sugan Gaalkacyo dhanka Galmudug, qaraxyada annaga maxaa nagu koobay, meesha waxbaa ku jira, Galmudug ma dhaheyno waa argagaxisada, laakiinse shacabkeeda sideey ku nabad qabaan oo kuweena loo qarxinayaa” ayuu yiri wasiirka.
Sidoo kale Wasiir Soo Cadde ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in deegaannada Galmudug laga soo abaabulo qaraxyada ka dhanka ah Puntland, sidaa darteedna aanay waxbo uga baahneen Koonfur.
Wariye;Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)