Dhageyso:Wasiir Maareeye oo Hadal DFS ka Carooto Usheegay Somaliland

0
179

Muqdisho(INO)- Xaalad Deggenaashiyo ayaa saaka laga soo sheegayaa deegaanka duduble Ee hoostaga Degmada Ceel Af weyn Ee Gobolka Sanaag halkaasi oo saacadihi lasoo dhaafay Dagaal Beeleed ka jireen.

Inta la og yahay Dagaalkii Ceel afweyn waxa ku dhintay Sagaal qof tiro intaasi kabadan wey ku dhaawacmeen waxaana haatan beelaha dagaalamay ku dhex Jira waxgarad kasoo kala jeeda Labada Beelood.

Wasiirka warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa waxa uu sheegay inay ka xun yihiin dagaal beeleedkaasi.

Ugu dambeynti, Wasiir Maareeye ayaa Aqoonsi siiyey Maamulka Soomaaliland kuna sheegay Dowlada Somaliland waxa uu ka codsaday inay kala dhex gasho beelaha dagaalamay.

Halkan Ka Dhageyso