Daawo: Donald Trump oo booqasho ku tagey Wadanka Mexico

0
170

Mexico(INO)- Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka, ayaa Arbacadii booqasho ku tagey Magaalada Mexico City, halkaasoo uu ku soo dhaweeyay Madaxweyne Enrique Pena Nieto.

Donald Trump, ayaa Magaalada Mexico City u tagey, sidii lagu dardargelin lahaa qorshaha uu dhabarka ka riixaayo, ee ah in darbi laga dhiso xuduuda kala qaybisa Mareykanka iyo Mexico.

Shir jaraa’id oo si wadajira ay u qabteen labada xubnood, ka dib markii uu u soo idlaaday kulan ay ku yeesheen Caasimadda Mexico, ayaa waxay ku faah faahiyeen waxyaabihii ay isla soo hadalqaadeen.

Donald Trump, ayaa sheegay in Madaxweynaha Mexico uu kala hadlay qorshaha uu Xisbiga Jamhuuriga ku doonaayo, sidii darbi kala qaybiya labada dalka looga dhisi lahaa xuduuda.

Donald Trump, ayaan shirka jaraa’id ka sheegin in Mexico ay bixin doonto dhaqaalaha ku baxaaya dhismaha darbigan, laakiin ka hor intii aanu u amba bixin Magaalada Mexico City, ayuu Magaalada Phoenix ee Gobolka Arizona uu ka sheegay in Xukuumadda Mexico City ay bixin doonto qarashka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inaanu Mareykanku aqbali karin dadka reer Mexico ee ka soo gudbaaya xuduuda, iyadoo uu Dowladda Mexico ugu yeeray inay kala shaqayso, sidii lagu hakin lahaa qulqulka dadkeeda.

Madaxweynaha Mexico, ayaa waxaa uu isna sheegay in Donald Trump uu u sheegay inaanay Xukuumadda Mexico City bixin doonin dhaqaalaha ku baxaaya dhismaha darbigaasi.

Dhanka kale dadka reer Mexico, ayay layaab gelisay booqashada uu Donald Trump ku tagey Magaalada Mexico City, iyadoo dadku ay dhigeen bannaabax ay kaga soo horjeedaan booqashadiisa.

Dadka reer Mexico oo ka careysan socdaalka Trump, ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin hal kudhigyo ka dhan ah imaanshihiisa Xarunta Mexico.

Mexeco Mexeco1 Mexeco2 Mexeco3 Mexeco4 Mexeco5 Mexeco6 Mexeco7 Mexeco8 Mexeco9 Mexeco91 Mexeco92 Mexeco93 Mexeco94 Mexeco95 Mexeco96 Mexeco97