Daawo: Qarax xoog leh oo ka dhacay agagaarka madaxtooyada iyo Hotel SYL

0
197

Muqdisho(INO)— Qarax xoog leh ayaa goor dhow ka dhacay meel ku dhow halka laga galo ilinka Madaxtooyada iyo Hotelka SYL, iyadoo khasaaraha ugu badan ee qaraxaas uu ka soo gaaray Hotelka SYL oo qeyb ka mid ah uu gebi ahaanba dumay.

Wararka ayaa sheegaya in gaarigan oo ahaa kuwa xamuulka qaada uu ku qarxay meel ku dhow hotel SYL iyo Hotel Siyad. Qaraxan ayaa waxaa uu sababay qasaare xoog leh iyadoo qarax noocan oo kale ah uu ku qarxay meel aan ka fogeyn halka maanta qaraxa ka dhacay.

Ilaalada goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa la sheegay inay rasaas ku rideen gaariga, balse gaariga uu qarxay waxaana burbur xoog leh soo gaaray qeybo ka mid ah hotel SYL iyo hotel Siyad. Baabuuro ay dad rayid ah saarnaayeen ayaa la sheegay in ay ku gubteen dadkii saarnaa baabuurtaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in shir uu ka socday gudaha Hotel SYL ayna ku sugnaayeen gudaha hotelka mas’uuliyiin ka tirsan dowlada. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar kamid ah mas’uuliyiinta ayaa dhaawacyo ay ka soo gaareen.

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in loogaga soo saaro burburka hoostiisa hotelada SYL iyo weliba hotel Siyaad, dadka hotelka ku dhex jirey ayaa la sheegay in waxyeelo ay soo gaareen dadka ku dhex jirey hotelka.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dhaawac fudud uu ka soo gaaray Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dhaawac uu soo gaaray guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab.

Qaraxa ayaa si weyn looga maqlay guud ahaan Degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana uu geystay Khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac, hase yeeshee lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxa. Waxaanaka socda halka uu qaraxa ka dhacay daadgureynta dadka waxyeelada ka soo gaartay.

Kala Soco Faahfaahin Dheeraad Dhowaan Idalenews.com

qarax syl (2)

qarax syl (4)

qarax syl (7)

qarax syl (6)