Faah Fahinadii ugu dambeeyay Qaraxyadii maanta ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo

0
184

Gaalkacyo ( INO)-2  Qarax  ayaa maanta waxa ay ka dhaceen Suuqa Xero Dayax oo ay ku taalla Xarunta dowladda Hoose ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Waxaana Qaraxyadaasi ay ahaayeen kuwa aad u xoogan oo daryankooda laga maqlayay guud ahaan Xaafadaha Waqooyi iyo Kuwa Koofureed ee Magaalada Gaalkacyo.

Qaraxa 1aad ayaa waxa uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo lagu dhuftay Darbiga Xarunta Dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo halkaas oo la filayay in uu ka furmo kalfadhi ay yeelan lahaayeen xubnaha Golaha deegaanka  Degmada Gaalkacyo.

Sida ilo deegaanka ah ay IdaleNews.com u xaqiijiyeen weerarada ka hor ayaa xaruntaasi dowladda Hoose iyo xarumo Waxbarasho oo ku yaalla Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo booqasho ku tagay Wasiiro ka tirsan Maamulka Puntland.

Iyadoona la xaqiijiyay Qaraxa 1aad in uu ku dhintay Taliyihiin Ciidamada Puntland ee Waqooyiga Gaalkacyo Qadar Dhuubane iyo sidoo kale dad kaloo oo shacab ahaa oo meesha wax ka dhaceen ku sugnaa.

Halka Qaraxa 2aad badi ay ku dhinteen dad shacab ahaa oo iyagu isugu soo xoomay meesha ay wax ka dhaceen , kaas oo illaa iyo hadda warar kala duwan ay ka soo baxayaan.

Warar ayaa sheegaya in Qaraxa 2aad uu ahaa Miino nuuca  dhulka lagu aaso halka warar kale ay sheegeen in uu ahaa isna Gaari kale oo walxo Qarxo laga soo buuxiyay.

Laamaha Caafimaadka Puntland ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 20 qof ay ku geeriyoodeen Qaraxyadaasi oo u badan dad shacab ahaa halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Illaa iyo hadda Ma jirto wax war rasmi ah oo Masuuliyiinta maamulka Puntland iyo Saraakiishooduba ay ka soo saareen Weeraradaasi.

Masuuliyiinta iyo Saraakiisha Ammaanka Puntland ayaa ka shiraya weeraradii maanta ruxay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo sida ay Idaacadda Shabelle wararka ku heleyso.