Baydhabo (INO) – Warar hoose oo Idale News Online helayso ayaa sheegaaya in maamulka Koonfur Soomaaliya iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta sida aadka uga dhex muuqda siyaasada Soomaaliya ay haatan wadaan qorsheyaal isbaheysi oo ku aadan doorashooyinka 2016 iyo hogaanka sare ee dalka.
Dhowaan ayaa waxaa magaalooyinka Baidoa iyo Nairobi kulamo hoose ku yeeshey madaxda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda beelaha Direed isla markaasna uu hogaaminaayey R/wasaare ku xigeenka dowlada federaalka Somalia Maxamed Cumar Carte Qaalib. Shirarkaasi ayaa dhinacyadu waxay isla meel dhigeen sida ay go’an tahay in la helo isbedel dhanka hogaanka ugu Sareeya ee Somaaliya, iyo suurtogalnimada in taageero loo muujiyo beelaha diidan siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh ee Murarsade, Xawaadle, Mareexaan iyo Leylkase sidii ay u qaban lahaayeen xilka Gudoomiyaha Aqalka Hoose ee Barlamaanka 10aad, Sidoo kalena meesha looga saaro dhaqanka siyaasadeed ee mudooyinkii ugu dambeeyey ka jiray dalka Soomaaliya – is laheysiinta beelaha qaar ee xilalka Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha Somalia
Sidoo kale, siyaasiyiinta mucaaradka ee xisbiyada fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa si aad ah u soo dhoweeyey qorshahaan cusub, waxayna ku tilmaameen in ay tahay wadada kaliya ee isbedel Soomaaliyeed ku imaan karo isla markaasna looga hor istaagi karo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in dib ugu soo laabto saaxada siyaasada ee Soomaaliya.
Kaartadaan Isbaheysi ee haatan lagu howlan yahay isla markaasna ay hormuudka u yihiin Maamulka Koonfur Galbeed, Siyaasiyiinta & Beelaha Direed, Mareexaan, Murarsade iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee xisbiyada dalka ka jira ayaa u eg qorshe hore oo uu Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud sameeyey xiligii 2012, kagana guuleystay Madaxweynihii hore ee dowladii KMG Sheikh Shariif Sheikh Axmed. Xiligaas oo dhamaan xulafadii 2012 ay u doorteen Xasan Sheikh Max’uud in tartanka uga mid noqdo.
Isku soo duub, Beelaha Digil & Mirifle iyo kuwa Direed oo marka xildhibaanadooda la isku daro ay kor u dhaafayaan 120 xubnood ayaa haddii ay ka dhabeeyaan hadafkooda siyaasadeed suurto gal ka dhigi kara in la helo isbedel hogaamineed oo dalka ka dhaca, isla markaasna ka duwan kuwii hore loo arki jirey oo beelo gaar ah ay ku soo bixi jireen xilalka Madaxweynaha & kan Ra’iisul Wasaaraha.
Qorshaan cusub oo guuleysta ayaa waxa uu fursad u yahay siyaasiyiinta u tartarmeysa xilalka Sare ee Soomaaliya ee beelaha Soomaaliyeed aan waligood fursad u helin qabashada xilalka Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha iyo dhamaan dadka Soomaaliyeed oo iyagu u ooman in ay arkaan madax lagu soo doortay si hufan, kana fog musuqmaasuq iyo eex qabiil, sidoo kalena u heelan in laga gudbo jagooyin si gooni ah ay u leeyihiin beelo gaar ah sida xilalka Madaxtooyada & kan Xukuumada.
Idale News ONline, Baidoa, Somalia