Washington(INO)-Hayada xaquuqul insaanka udooda ee Human Rights Watch (HRW) ayaa sheegtay in loo baahan yahay in xog-hayaha arimaha dibada ee Mareykanka John Kerry markii uu asbuucaan booqdo Afrika in uu madaxda Afrika kula dardaarmo sidii xaquuqul insaanka loo dhawri lahaa.
Xog-hayaha arimaha dibada ee Mareykanka, John Kerry ayaa asbuucaan lagu wadaa inuu Kenya soo booqdo.
Kenya ayaa ka mid ah 3 dal oo uu booqasho dhawaan kukala bixin doono John Kerry.
Dalalka 3da ah ayaa waxaa ay kala yihiin Kenya oo aan soo sheegnay, Sacuudiga iyo Nigeria.
Kerry ayaa markii uu yimaado Kenya waxaa lagu wadaa inuu madaxda Kenya kala hadlo arimaha gobolka gaar ahaan siyaasada Soomaaliya iyo xiisadaha colaadeed ee Koofurta Suudaan.
HRW ayaa sidoo kale ku baaqday in ciidamada ammaanka loo baahan yahay inay difaacaan qaxootiga iyo dadka nugul qaarada Afrika oo dhan.
Waxay sheegtay in markii uu Kerry yimaado Kenya uu ku dardaarmo in baaritaano lagu sameeyo jirdil ciidamada ammaanka ee Kenya lagu eedeeyay inay u geysteen dad iyo inaan la xirin xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.
HRW ayaa qoraal kasoo baxay kusheegtay in marka uu Kerry yimaado Afrika uu isku dayo inuu ka shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka jira Koofurta Suudaan iyo Soomaaliya.
HRW ayaa sheegtay in ay jiraan fursado lagu raadin karo xukun sharci ah iyo sidii loogu dhaqmi lahaa xukunka sharciga qaarada oo dhan.
John Kerry ayaa bishii 5aad ee sanadkii lasoo dhaafay sidoo kale mar soo gaaray Kenya.