Dhageyso:Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Ciidamo Geyneysa Marko

0
174

Baydhabo(INO)–Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegday in dhowaan ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed ay geyn doonto gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan deegaanada mararka qaar ay ka dhacaan dagaal beeleedyada.

Wasiirka Hubka dhigista, dhaqan celinta iyo tababaradda  Maleeshiyaadka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa wuxuu sheegay in ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed uu u diyaariyay gobolka Shabeelaha Hoose oo mudooyinkii dambe ay ka dhacayeen Dagaal beeleedyo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wuxuu sheegay Wasiirka Deegaanada Koonfur Galbeed uu ka taliyo dhowaan ay ka bilaaban doonaan Howlgallo ka dhan ah Shabaab kuwaas oo looga saarayo deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhowaan ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed oo gaaraya 300 Tababar loogu soo xiray magaalada Baydhabo, kuwaas oo la sheegay in loo diyaarayay Howlgal ka dhan ah Shabaab oo dhowaan bilaaban doona.

Halkan Ka Dhageyso