MN(INO)-Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa ka digay Madaxda Dowladda Federalka Somaliya dhaqaalaha dalka inay u adeegsadaan Musharxnimadooda ku aadan madaxtinimada dalka.
Farmaajo ayaa sheegay inuu og yahay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarahaba inay yihiin musharaxiin doonaya inay u tartamaan xilka madaxtinimada dalka, waxaana uu sheegay inay muhiim tahay dhaqaalaha dalka ee Qaranka ka dhaxeeya aanan loo adeegsan Musharaxnimadaasi.
Waxa uu ku baaqay in la bixiyo Mushaaraadka ciidamada qalabka sida, iyo mida Shaqaalaha rayidka ee Dowladda oo dhowr bilood aanan qaadan mushaaraadkii ay xaqa u lahaayeen.
“Waxaan ugu baaqayaa Madaxda Dowladda in hantida qaranka aysan u adeegsan Musharaxnimadooda ku aadan madaxtinimada dalka Mushaaraadka ciidamada qalabka sida iyo Shaqaalaha kale ee Dowladda waxaan codsanayaa in la bixiyo.” Ayuu yiri Farmaajo.
Dhinaca Kale Maxamed Cabdulaahi ayaa ka hadlay kaararka Dowladda hoose ee Taliska Nabad Suggida dhawaan amarka ku bixiyeen inay qaataan Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho.
Farmaajo wuxuu sheegay inay jiraan Bulsho badan oo ku nool caasimada Muqdisho, kuwaasi oo aanan haysan qaadashada kaararka aqoonsiga dhaqaalaha badan ee lagu qaadanaayo, wuxuuna ugu baaqay Dowladda kaararkaasi aqonsiga inay ku bixiso si bilaash ah, ama baarlamaanka la horgeeyo si loo ansixiyo.
Somaliya ayaa dhawaan waxaa la filayaa inay ka dhacdo doorashada ku aadan Madaxtinimada dalka, waxaana si aad ah looga digayaa dhaqaalaha dalka in loo adeegsado Musharaxnimada madaxda.