Nairobi ( INO)-Urur Goboleedka IGAD ayaa qiray in khatarta Xarakada Al Shabaab ay weli ka jirto Dalka Soomaaliya, xili bisha soo socota lagu wado in Magaalada Muqdisho lagu qabto Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD.
Warbixin ka kooban 53 Page lagu daabacay boga IGAD ayaa lagu xusay in Al Shabaab ay sameysatay jabhado dhowr ah oo siyaabo kala duwan uga howlgallo Wadamada dariska la ah Soomaaliya.
Qoraalka IGAD ayaa lagu sheegay labo jabhadoo oo hoostaga Al Shabaab ay ka howlgallaan Dalalka Kenya, Uganda, Tanzania iyo Ethiopia, iyadoona jabhadahaasi lagu kala magacaabp Jeysh Ayman iyo Jaysh Al-Usra.
Jabhada Jeysh Ayman ayaa Al Shabaab u qaabilsan Weerarada ka dhanka ah Dalalka Kenya, Uganda iyo Tanzania halka Jabhada Jaysh Al-Usra ay ka howlgasho Dalka Ethiopia oo kaliya.
Urur Goboleedka IGAD ayaa qeexay in Xarakada Al Shabaab ay kordhiyeen Weerarada ka dhanka ah Xarumaha Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ee Dalka Soomaaliya.
IGAD ayaa ugu baaqday Dalalka Xubanaha ka ah Ururka in ay qaadaan taalaabooyin adag oo lagu wiiqo awooda Xarakada Al Shabaab.
Weli qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya waxaa ku sugan Dagaal yahano hubeysan oo ka mid ah Xarakada Al Shabaab oo inta badan fulisa weerarada ka dhaca Dalka.
Warbixinta IGAD ee looga hadlayay khatarta Xarakada Al Shabaab ayaa waxey imaaneysaa xili bisha soo socoto lagu wado in Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD lagu qabto Magaalada Muqdisho.