Afgooye(INO)- Ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa xalay gudaha u galay Xaafado ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii dagaal qorsheysan ay ku qaadeen Saldhigyada ciidamada Dowladda ee Afgooye.
Dagaalka oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa lagu soo waramayaa in ciidanka Dowladda ay uga dhinteen labo Askari oo ka tirsanaa Millateriga, kuwaasi oo si gaadmo ah weerarka uu u qabsaday.
Wariye ku sugan Magaalada Afgooye ayaa soo sheegaya in xalay mar kaliya la maqlay dhawaqa rasaas isqabsatay oo Magaalada gudaheeda ka dhaceysa, gaar ahaan dhanka Suuqa Xoolaha oo la sheegay in ciidamada Shabaabka ay ka soo galeen.
Ciidamada Shabaab ayaa inta badan aanan ka fogeyn duleedka Degmada Afgooye halkaasi oo ay ku leeyihiin Saldhigyo ciidan oo ay ka soo abaabulaan weerarada ay ka geystaan Degmada Afgooye.
Ciidamada Millateriga ee ku sugan Degmada Afgooye ayaa habeenkii waxa ay galaan feejignaan ku aadan weeraro Shabaabka ay ku soo qaadaan, maadaama Shabaab dhowr mar Afgooye dagaalo kala duwan ay ku soo galeen