Daawo: Bandhig Fanaaneed Lagu Wacyi-galinayo Bulshada Oo Lagu Qabtey Xarunta Degmada Baydhabo

0
207

Baydhabo(INO)- Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa Xaley lagu qebtay Xarunta Degmada Baydhabo, isla markaana waxa Lagu soo badhigayey Bandhig Faneed dhinaca Arrimaha Bulshada.

Bandhig faneedkaasoo ahaa kuwo lagu soo bandhigayey Heeso iyo Ruwaayado oo si toos ah u khuseeyay dhinaca Arrimaha Bulshada, ahmiyada ay leedahay wadashaqeenta Booliska iyo Bulshada, Dhibaatada Tahriibka iyo guud ahaan amniga Bandhig Faneedkaan.

waxaa isugu yimid Dad weyne aad u fara badan oo ka kala Yimid Dhamaan tabanka Xafadood magaalada Baydhabo sidoo kale ayaa waxaa kasoo qeeyb galay taliyaha ciidanka Booliska KGS general Ibrahim Macalin Kutub iyo Wasiirka Hubka dhigista dhaqancelinta Maleeshooyinka Xildhibano ka tirsan Dowlaad goboleedka KGS iyo gudoomiye Degmada Baydahbo ahna Duqa Magaalada Baydhabo Mudane Cabdullahi taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Bay iyo kan Degmada Baydhabo.

Ugu dambeyntii, Bandhig Faneedkaan ayaa waxaa soo agaasimay Maamulka Degmada Baydhabo si bulshada loo wacya galiyo.

Halkan Ka Daawo Sawiro.