Faah Faahin: Wararkii Ugu Dambeeyey Madaafiic khasaaro Gaysatay Oo Xalay Lagu Garaacay Baydhabo

0
193

Baydhabo(INO)- Ururka Al Shabaab ayaa xalay madaafiic Khasaare kala duwan geysatay waxa ay ku garaaceen Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, gaar ahaan Saldhigyo ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Magaaladaasi.

Madaafiicdan oo hoobiyeyaal ahaa, ayaa waxay intooda badan ku dhaceen Xaafadda Wadajir ADC  oo ku dhaw Garoonka Diyaaradaha Baydhabo, iyadoo tiro kale oo Madaafiic ahna ay ku dhaceen Gudaha garoonka, balse aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Dadka Magaalada Baydhabo ku sugan ayaa sheegay xalay markii ay saacada ay aheyd 3:20 daqiiqo mar kaliya inay maqlayeen jugta madaafiicdaasi, taasi oo argagax gelisay dhamaan dadka reer Baydhabo oo hurday waqtigaasi.

Hal ruux ayaa la soo wariyay inuu ku dhintay Madaafiicdaasi, halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya ilaa 4 ruux, sida ay xaqiijiyeen Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Baydhabo.

Madaafiicda ku dhacday Saldhigyada ciidamada Itoobiya ee Magaalada Baydhabo ayaanan la ogeyn Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Madaafiicda waxaa la sheegay tiro ahaan inay gaarayeen ilaa 9 madfac oo dhawaqooda si aad ah loo maqlaayay, maadaama jawiga Magaalada Baydhabo uu ahaa xalay mid degan.

Si kastaba ha ahatee, Saraakiisha ammaanka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo weli kama aysan hadlin Madaafiicdaan xalay lagu garaacay Magaalada, iyadoo la aaminsan yahay in duleedka Magaalada Baydhabo laga soo tuuray Madaafiicda.

Ugu dambeyn, Duqeymo noocan oo kale ah, balse sababay khasaare aad u badan ayaa bishii Juun ee sannadkan waxaa lagu garaacay Baydhabo, iyadoo duqeymahan ay ahaayeen kuwii ugu khasaaraha badnaa ee Gobolkaas ka dhaca.