DEG DEG: Al-Shabaab Oo Mar Kale Xaley Duqeysay Magaalada Baydhabo

0
206

Baydhabp(INO)- Ciidamo ka tirsan  Maleeshiyada  Mayalka adag Ee Soomaalida ah Ee Alshabaab ayaa xalay mar kale waxa duqeymo ka geysteen xaafado ka mid ah  Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Bay ayaa waxa ay sheegayaan in xalay duqeyn xoogan loo geystay xaafadaha qaar ee magaaladaasi

Madaaficada ayaa waxay qaar ka mid ah ay ku dhaceen Sida La Sheegey Garoonka Diyaaraha Dr. Shaati, qaar ka mid ah  Xaafadaha  waxaana jira Khasaaro ay geysteen Madaafiicdaas.

Waxaan xaley abaaro 3:20 am mar qura la maqley daryanka culculus Ee Madaafiicaas oo tiradood ay gaarayeen ilaa 9 madfac oo shacabka magaalada ay ka soo toosiyeen hurda.

Duqeynta  Alshabaab ayaa shacabka qal qal galisay,waxaana laga soo duqeynayay  Duleedka Magaalada Baydhabo.

Waxaa Jiro Khasaare ay geystey Duqeyntaas, isla markaana waxa la maqlayey Gaariga gurmudka Deg deg ah oo ku dhex qaylinayey Xaafadaha Magaalada Baydhabo.

Si kastaba ha ahaatee, Magaalada Baydhabo ayaa waxa ka socoda Shir Looga hadlaayo Arimaha Dowladaha Hoose Ee DFS iyo Dowlad Goboleedyada Soomaaliya.

Ciidamda AMISOM iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaan  ka Jawaabin tirada Madaafiicdaas, waxaan jira Cabsi Xoogan in Al-shabaab xilliyada Habeenada ay Kordhiso Weeraro Noocan ah.

Faah Faahin Kala Soco Idale News Online , Baydhabo

Fillow Sawiro iyo Cododka