Muqdisho(INO)- Xilli weli dadku sugayaan sida ay noqon doonto doorashada Soomaaliya ka dhici doonto indhahana lagu hayo qaabka loo qabto ayaa hadana waxa Jira saluug laga qabo doorashada inay noqoto mid sidii la rabay udhacda.
Hadda Muqdisho waxa ka socda Shir looga arinsanayo Nidaamka Doorashada iyo Xilliga ay dhici laheyd iyadoo laga cabsi qabo Waqti kororsi inay Dawlada Hadda shaqeysa ay sameysato.
Siyaasiga C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) oo xilal badan kasoo qabtay Dawladihii Dalka soo maray hadana wax badan kala socda Shirka madasha Wadatashiga Qaran Ee Ka Socda Muqdisho waxa uu sheegay inuu ku baaqay Seddex Talo oo lagma maar maan ah hadii la qaadanayo.
Hadii la hayo Lacagaha doorashada,Amnigii Doorashada lagu sugi lahaa uu qabo in lix bil kadib doorashada la galo Janaayo ama Febraayo 2017-ka.
Hadii aan la heynin dhaqaalihii iyo Amnigii Doorashada lagu sugi lahaa ay muhiim aheyd sidii 2012-kii wax usoo doortaan 135 oday dhaqameed.
Hadii la isku mari la’yahay doorashada is jiid jiidna uu jiro uu soo jeediyey in Dawlada hadda jirta Hal Sano loogu daro si loo gaaro nidaam doorasho oo lacag iyo Amni lagu sugi karo loo gaaro.