Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino Oo Lagu Waayay Inuu Ku Xadgudbay Qawaaniinta U Yaala Ururka Kubada Cagta Adduunka.

0
288

Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa lagu waayay inuu ku xadgubay qawaaniinta u yaala ururka kubada cagta dunida.

Gudi madaxbanaan ayaa baarayay haddii uu madaxweynaha FIFA ku xadgudbay sharuucda ururka ka dib markii lagu eedeeyay in dano iska soo horjeeda uu madaxa la galay inuu bixiyay islamarkaana aqbalay hadiyado.

Gianni Infantino

Baaritaanka oo socday muddo isbuucyo ah ayaa sidoo waxaa lagu ogaanayay la taliyayaasha sarre ee uu shaqaaleysiiyay Infantino iyo diidmadiisa la xiriirtay inuu saxiixo qandaraaskiisa shaqada ilaa bishii Febraayo.

Si kastaba, gudiga ayaa ku tilmaamay arimahaan inaysan aheyn arimo xadgudub ku ah sharuucda xiriirka kubada cagta adduunka.

Warbixin ay soo saareen gudida madaxa banaan ayaa lagu yiri: “Ka dib markii aan baaritaan ku sameynay waxaan go’aan ku gaarnay in Mr Infantino uusan jabanin qawaaniinta FIFA.”

Waxaa Qoray: Saed Balaleti