Xiddiga diirada u saaran kooxda Arsenal Julian Draxler ayaa u sheegay kooxdiisa inuu doonayo inuu ka tago kooxda, isagoo shaaca ka qaaday inay kooxa hore ugu ogolaatay inuu baxo.
Draxler ayaa kaliya Wolfsburg uga soo biiray Schalke xagaagii hore, waxaana lala xiriirinayay kooxaha Juventus iyo Arsenal.
“Si cad ayuu ugu joogay tababare Dieter Hecking ka dib ciyaarigii Euro 2016 inaan doonayo inaan ka tago Wolfsburg” ayuu Draxler u sheegay jariirada Jarmalka ee Bild. “Tababaraha wuu ogyahay go’aankeyga in ka badan seddex isbuuc.
“Labo maalmood ka dib kulankii ay guuldarada inaga soo gaartay France ee semi-finalka Qaramada Yurub waxaan u sheegay sida aan xaalada u arko iyo waxa aan doonayo taasoo ah inaan kooxda ka tago.
“Waxaa heshiis afka ah la iigu sheegay bishii Agoosto ee sannadkii hore inaan kooxda ka tagi karo marka ay fursadaas timaado.”