Goorma Ayuu Saxiixa Cusub Ee Chelsea N’Golo Kante Safan Doonaa Kulankiisa Ugu Horeeya Ee Kooxdiisa Cusub?

0
322

Saxiixa cusub ee kooxda Chelsea N’Golo Kante ayaan wali kasoo muuqan kooxdiisa cusub, balse Antonio Conte ayaa xaqiijiyay inuu ugu yaraan 30-daqiiqo ciyaari doono kulanka ay caawa saqda dhexe xiliga geeska Afrika la ciyaarayaan Ac Milan, kulan ka tirsan koobka International Championship Cup.

Kante oo ka mid ahaa ciyaartoydii sida layaab ka laheyd uga soo hilaacday Premier League-ga ee Leicester City u sahlay iney ku guuleysato horyaalka markii ugu horeysay 32 Malyan Oo Pound ugu yimid kooxda galbeedka London ka dhisan balse uma suuragalin inuu kasoo muuqdo kulamadii fasaxa madama xidigaan fasax dheeraad uu lahaa, sababtoo ah wuxuu xulkiisa la tiigsaday Finalkii Euro 2016.

Kante

Antonio Conte ayaa kusoo daray xidigaan liiska ciyaartoyda Blues iyadoo ay macquul tahay inuu ka barbar ciyaaro Nemanja Matic marka ay caawa US Bank Stadium ku wajahaan kooxda labaad ee ugu guulaha badan koobka horyaalada yurub ee Champions League.

Antonio Conte ayaa xaqiijiyay inuu xidigaan si wacan tababarka uga qeyb qaatay isla markaana uu leeyahay tayo fiican, balse uu yahay mid aan diyaar u aheyn inuu ciyaaro wax ka badan 30-daqiiqo madama uusan waqti badan tababar qaada