Daawo: Indhooliyaasha Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Dalbadey In Laga Gacansiyo Waxbarasho

0
209

Baydhabo(INO)- Waxaa Maanta Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo Booqasho Ku Tagey, Gudoomiyaha Naafada Gobolada Koonfur Galbeed  Soomaaliya Shariif Mukhtar Cali Isaaq, Isla markaana waxa Wahelinayey Gudiga Indhoolayaasha Gobolka Bay, oo ay doonayeen in xagga waxbarashada gacan laga siiyo.

Gudoomiyaha Gudiga Indhooliyaasha Ee Gobolka Bay Siciid Cusmaan Gaabow iyo labo xubnood oo kala ah Mukhtaar Cali Aadan iyo Xasan Daahir Maxamuud ayaa codsadeen in indhooliyaasha Koonfurt Galbeed Soomaaliya laga gacan Siyo Waxbarasho,waxayna Bulsahda KGS ka dalabeen in laga soo jawaabo baaqooda.

Ugu horeeyn waxaa Waxaa halkaas ka hadley Gudoomiyaha Naafadda Sharif Mukhtaar Cali Isaaq  wuxuuna goobta ku soo dhaweeyey una sheegay in naafadda oo dhan ay wax u qabad u baahan tahay,gaar ahaan Indhoolayaasha tixgelin gaar ah u baahan yihiin.

Indhoolayaalka waxay sheegeen ugu horeeyn in wax walba ay ugu horeeyso in ay helaan waxbarasho Si lamid ah Kuwo  Ku Nool Magaalooyinka Muqdisho, Gaarisa, Hargeysa iyo Meelo kale.

Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha Jaamacadda USS Prof.  Maxamed Cali Kalaay, oo sheegay in shaqsiyan iyo maamul Jaamacad ahaan uu gacan ka geysan doono sidii wax loogu qaban lahaa Indhoolayaasha.

Halkan Ka Daawo Sawiro

01020304