Sarkaal AMISOM ka tirsan oo lagu eedeeyay in uu dayacay Ciidamo uu hoggaan u ahaa.

0
200

Kampala ( INO)-Sarkaal tirsan Ciidamada Dowladda Uganda, kana mid ahaa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu eedeeyay in uu ku fashilmay ka  hortaga Weerarka ay soo qaadeen Xarakada Al Shabaab oo lagu Dilay 10 ka mid ahaa Ciidamada ka so jeeda Dalka Uganda.

Col Bosco Mutumbi oo hogaaminayay Guutada 16-aad ee Xoogaga AMISOM ayaa loo heystaa in uu indhaha ka laabtay xog ku aadan in Dagaal yahano tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadi rabeen Xerada Ciidamada AMISOM ee Degaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sarkaalkaan ayaa sidoo kale waxa uu ku fashilmay ama xitaa uu garan waayay sida la sheegay in Ciidamada uu ka badalo halka ay ku sugnaayeen, iyadoona go’aan adeegiisa ay horseeday geerida 10 ka mid ahaa Ciidamada Dowladda Uganda ee ku sugan Dalka Soomaaliya.

Xeer Ilaaliye Raphael Mugisha  ayaa qeexay in cadeymo iyo marqaatiyo loo hayo in Sarkaalkan go’aan xumadiisa ay u dhinteen Askartaasi ka tirsanaa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Mr. Raphael ayaa Maxkamada waxuu ka hor sheegay inta u dhaxeysa bilahii June iyo September in uu hayay Sarkaalkaan xog ku aadan in uu dhacayo Weerar balse wuu ku fashilmay in Ciidamada uu heegan geliyo, ayuu yiri Xeer Ilaaliye Raphael Mugisha.

Weerarkan oo ka dhacay 1-dii September ee Sanadii la soo dhaafay islamarkaana mas’uuliyadiisu ay sheegteen Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa ku dhintay tobanaan ka mid ahaa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.