Daawo: Qowmiyadaha Axmaaradda Iyo Tigray Ee Itoobiya Oo Ku Dhow In Dagaal Sokooye Dhexmaro

0
212

Gondor(INO)— Tobanaan kun oo ruux ka soo jeeda qowmiyada Amxaarada Itoobiya ayaa dhigay dibad bax ka dhan ah dowladda Itoobiya, kaasoo ka dhacay magaalada Gondar ee ku taala waqooyiga Itoobiya.

Dibad baxayaashan ayaa ka soo hor-jeeda go’aanka dowladda ku hoos-geyso degmo ka tirsan Gobolka Xamraad maamulka deriska aha ee Tigray.

Warbaahinta ayaa ku warameysa in dibad baxayaasha ay isku dhaceen ciidamada booliska, waxaana ku dhintay illaa toban ruux.

Dadweynaha isugu soo baxay magaalada Gondar ayaa muujiyay sida ay uga soo horjeedaan tallaabada dowladda, waxaana ay ku tilmaameen mid aan sharci aheyn.

Sidoo kale waxaa ay ku qeylinayeen halku dhigyo kala duwan oo ku aadan in dowladda hada jirta in la bedelo iyo inuu dhamaado waqtigii keli taliska iyo xoogga.

Bilo ka hor ayay aheyd markii dibad bax rabshado wata ay qowmiyada Oromada ka dhigeen duleedka magaalada Addis Ababa, markii deegaanadaas la hoos-geeyay Caasimada.

Itoobiya oo ay ku nool yihiin qowmiyado fara badan ayaa leh is maamul qowmiyad kasta, balse waxaa ay hoos-tagana dowladda Federaalka Itoobiya ee xarunteeda tahay Addis Ababa.

amxaaroamxaaro1amxaaro2