Muqdisho(INO)— Iyadoo uu jiro shaki ku aadan inay dib u dhacday doorashadii la filayay inay dalka ka dhacdo bisha September ee soo socota, isla markaana bishan Agosto gudaheed la soo xulo Baarlamaan cusub ayaa waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho shir uga furmo Hoggaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran.
Shirkan ayaa la go’aamin doonaa waqtiga ay dhaceyso shirka oo aan wali aanay kala cadeyn xilliga rasmiga ah ee ay doorashada dhaceyso, maadaama uu jiro dib u dhacyo badan oo la xiriira qorshayaashii dalka lagu gaarsiin lahaa doorashada.
Shirkan ayaa ku taariikheysan 2-4 bisha Agosto ayaa laga yaabaa in maanta dib u dhaco furitaankiisa, maadaama aanay Muqdisho ku sugeyn Madaxda Madasha wada-tashiga qaran, lana filayo in illaa berri ay soo wada gaaraan.
Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashada heer Federaal Avv. Cumar Dhagey oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in waqtiga ay dhaceyso doorashada lagu go’aamin doono shirka Madasha wada-tashiga qaran.
Avv. Cumar Dhagey ayaa sheegay in Madaxda Madasha wada-tashiga qaran ay hor-geyn doonaan qorshayaashooda la xiriira doorashada iyo miisaaniyada, isagoo xusay in guddigooda doorashada ay madax banaan yihiin, isla markaana dhex dhexaad ah.
Si kastaba ha ahaatee wararka xanta ah ee suuqa ku jira ayaa ah in doorashada ay labo bil dib u dhici doonto, maadaama aan wali la qaban howlihii laga sugayay, sida xulista labada aqal ee baarlamaanka, waxaana sida muuqata dib u dhac ka muuqda jadwalkii la soo bandhigay dhamaadkii bishii June.