Daawo Sawiro:Dalka Suuriya oo lagu soo riday diyaarad dagaal oo Ruushku uu leeyahay iyo khasaaro ka dhashay

0
228

Aleppo(INO)- Diyaarad militari oo nooceedu uu ahaa helicopter, ayaa waxaa maanta lagu soo riday Magaalada Aleppo, ka dib markii lala beegsaday gantaal dhulka laga riday.

Kooxaha dagaalka kula jira Dowladda Madaxweyne Bashar al-Azzad, ayaa iyagu soo bandhigay muuqaalo muujinaaya burburka diyaaradaasi.

Wasaaradda Difaaca Ruushka, ayaa waxay xaqiijisay in diyaarad nooca qumaatiga ah looga soo riday Magaalada Aleppo, wax yar uun ka dib markii ay ka soo laabatay deeq bani’aadanimo oo ay gaarsiisay.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda, ayaa waxaa lagu sheegay in shan qof oo la socotay diyaaradda, ay dhammaantood ku dhinteen burburkaasi.

Diyaaradda la soo riday waxaa saarneyd saddex shaqaale iyo laba Sarkaal oo Militariga Ruushka ka tirsan, sida lagu sheegay qoraalka.

Magaalada Aleppo oo dhacda Waqooyiga Suuriya, ayaa waxaa ku xoogan dhaq dhaqaaqyada hubeysan ee ka soo horjeeda Xukuumadda Damasbus.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Aleppo Aleppo1 Aleppo2 Aleppo3 Aleppo4 Aleppo6 Aleppo7 Aleppo8 Aleppo9 Aleppo91 Aleppo92 Aleppo93 Aleppo94