Yaaqshiid(INO)Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir Gudoomiye Waaxeed ka tirsanaa maamulka degmadaasi.
Gudoomiye waaxeedka ayaa la sheegay in ay dileen labo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaas oo goobta ka baxsaday markii ay dilka fuliyeen.
Ciidanka dowladda iyo maamulka Degmada Yaaqshiid ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, iyagoo halkaasi ka sameeyay baaritaano ku aadan sida uu u dhacay dilka.
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo Wareysi kooban siiyay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in Gudoomiye Waaxeed xalay lagu dilay degmada Yaaqshiid sidoo kalena ciidanka amniga ay ku raad joogaan kooxihii dilka geystay.
Dilka Gudoomiye waaxeedkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal mudooyinkii u dambeeyay magaalada Muqdisho loogu geysanayay qaar ka mid ah Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo dad shacab ah.