Tiyeeglow(INO)Kadib Markii Dhawaan Ciidamo Katirsan Dowlada Faderaalka Somaliya Kuwa Booliska Gaar ah Ee Koonfur Galbeed Iyo Kuwa Ciidamada Midowga Afrika Ee Amison Kuwooda Itoobiya Ay Ka Baxeen Degaano Katirsan Gobolka Bakool Walow Qaar Kamid Ah Deganadaasi Dib Ay Ulawaregeen Ciimdamadaasi Ayaa Dadkii Ka Soo Barakacey Ayaa Waxaa Ay Gareen Degmooyinka Kala Ah Xudur Iyo Degmada Tiyeeglow Oo Kawada Tirsan Bakool Ayaa Hada Maamulka Degmada Tiyeeglow Ayaa Waxaa Uu Ka hadley Sidii Dadkaasi Degaankooda Dib Loogu Celin Lahaa Waa Deganada Dib Ula Waregeen Ciidamadii Kasoo Baxey.
Gudoomiyaha Degmada Tiyeeglow Maxamed Cabdulle Food Cade Ayaa Sheegey In Ay Wadaan Dadaalo Ku Aadan Si Dadkaasi Degaanadooda Loogu Celin Lahaa Maadama Ay Hore Ugu Soo Carareen Cabsi Ay Kaqawaan Ururka Al Shabaab Oo Deganadooda Weeraro Ay Ku Soo Qadeen Kana Cabsi qaween In Ay Dhibaato Ay Kala Ku Maan Halkaasi
Dhanka Kale Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Ay Jiraan Dad Kuharey Degaanadaasi In Al Shabaab Ay Ugeesteen Dhibaatooyin Iyo Afduub Markii Dib Ay Uga Baxayeen Deganadaasi In Ay Hore Ay U sii wateen Sida Uu IdaleNews.com U xaqiijiyey Gudoomiyaha Degmada Tiyeeglow Maxamed Cabdulle Food Cade.
Halkan Ka Dhageyso
W/Q/Wariye Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)Xafiiska Magalada Baydhabo Janaay Ee Xarunta Gobolka Baay,