Muqdisho ( INO)-Taliska Midowg Afrika ee AMISOM ayaa si kulul u cambeereeyay labo Qarax oo ismiidaamin ahaa oo la doonayay in maanta Dagaal yahano ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab ay ku weeraraan Xarunta Dambi Baarista ee CID-da ee Magaalada Muqdisho.
Qoraal ka soo baxay Talisk AMISOM ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin Weeraradii lala damacsanaa in lagu galo gudaha Xarunta CID-da.
Weerarkaasi oo loo adeegsaday labo Gaari oo walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 13 Ruux waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 7 kale.
Taliska AMISOM ayaa waxuu shaaciyay in Weeraradaan ay muujinayaan in Al Shabaab ay ka soo horjeedaan Nabada iyo Xasiloonada ka jirta Magaalada Muqdisho.
Waxaa qoraalkaasi sidoo kale lagu xusay in AMISOM ay Dowladda Federaalka Soomaaliya kala shaqeyn doonto wiiqada awooda Xarakada Al Shabaab iyo dib u soo celinta xasiloonida Dalka Soomaaliya.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.