Dhageyso Wareysi:Gudoomiyaha Degamada Tiyeeglow Oo Sheegey In Wax Aysan Kaqaban Wasaarada Caafimaadka KGS Xaalada Ka taagan Degmadaasi

0
328

Tiyeeglow(INO)- Xiritaanka Wadooyinka Degmada Tiyeeglow Ee Gobolka Bakool Ayaa Waxaa Saameyey Adeegyadii Ay Ubaahnayeen Shacabka Ku Nool Degmadaasi.

Ciidamada Dowlada Faderaalka Somaliya Kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya Iyo Ciidamada Midowga Afrika Ee AMISOM Ayaa Waxaa Ay Wadaan Dadaalo Ay Ku Rawaan In Ay Wax Kaqabtaan Xaalada Ay Ka jiraan Shacabka Ku Nool Degmada Tiyeeglow Iyo Sidii Ay Ku Furi Lahayeen Wadooyinka Ay Godoomiyeen Urarka Al Shabaab.

Gudoomiyaha Degmada Tiyeeglow Ee Gobolka Bakool Maxamed Cabdulle Foodcade Oo Uu Uwarimayey Wariye Siidcali Muuse Maxamed (Ateera) Ayaa Waxaa Uu Ka warbixiyey Xaaladaha Guud Ee Kataagan Degmadaasi Asigoo Sheegey In Hada Degmada Ay Kajiraan Xaalado bini Aadinimo Ah Dhinaca Waxbarashada Caafimaadka Iyo Adeegyada Kale Ee Ubaahan.

Dhanka Kale Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Xaalada Caafimaad Darada Kajirta Degmada Tiyeeglow In Ay San Wax Kaqaban Wasaarada Caafimaadka Dowlada Koonfur Galbeed Somaliya Iyo Tan Dowlada Faderaalka Somaliya Iyadoo Degmadaasi Mudooyinkii Ugu Dembeeyey Ay Ka jireen Cuduro Fara badan Ay U dhinteen kudhawaan 20 Qof Inkabadan 100 Qof Kalena Ay U jifaan Xarunaha Yar Yar Ee Ku Yalaa Degmada Tiyeeglow Ee Gobolka Bakool.

Degmooyin iyo Degaano Katirsan Goboladaan Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Waxaa Kataagan Dhibaatooyin Kala Duwan Oo Ay Soo Wajahaan Shacabka Ku Nool Magalooyinkaasi Dhibaatooyinkaasi Ayaa Waxaa Kamid Ah Waxbarasho La’aan Caafimaaddaro Iyo Dhibaatooyin Kale Oo Ay Soo Garaan Inta Ay Ku Dhaxjiraan.

Inta Aysan Lawareegan Ciidamada Dowlada Faderaanka Somaliya Iyo Kuwa Midowga Afrika Ee Amisoon Degmada Tiyeeglow Ee Gobolka Bakool Ayaa Ciidamada Urarka Al Shabaab Ayaa Waxaa Ay Sii Bur Buriyeen Xarumihii Caafimaad Iyo kuwii Waxbarashada Ee Ku Yaleen Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool Ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya,

Halkan Ka Dhageyso


W/Q/Wariye Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)

Xafiiska Magalada Baydhabo Janaay