Taliska AMISOM Oo Sheegay In ay Dileen Xubno Ka Tirsan Maleeshiyada Al Shabaab

0
446

Muqdisho (INO)—Qoraalo kooban oo lagu baahiyay barta Twitter-ka Taliska Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay in 3 Ruux oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab lagu Dilay Weerar Xoogan oo ka dhacay Degaan lagu magacaabo Buurkooy oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.

Twitter-ka AMISOM ayaa sidoo kale lagu xusay in Weerarkaasi lagu burburiyay baro Xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin Degaanka Buurkooy ee Gobolkaasi.

Waxaa sidoo kale AMISOM ay sheegeen in ay sii wadi doonaan weerarada ay ku beegsanayaan Xubanaha ku jira Xarakada Al Shabaab.

Dhinaca kale, Xarakada Al Shabaab ayaa shaacisay in ay ka hortageen Weerar qorsheysan ay soo qaadeen Ciidamada Maamulka Jubaland iyo kuwa Kenya oo taageero ka helya sida ay sheegeen kuwa kale oo ka socda Dalka Mareykanka.

Sarkaal u hadlay Xarakada Al Shabaab ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in Dagaal yahanadooda ay fashiliyeen Weerarkaasi oo uu ku tilmaamay in uu ku wajahnaa Degaanada Buulo-Guduud iyo Yoontooy oo Duleed ka ah Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Ugu dambeyn, Xubno ka mid ah Xarakada Al Shabaab ayaa weli ku sugan Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Jubbooyinka, inkastoo dhawaan Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ay shaaciyeen in Al Shabaab laga saari doono Goboladaasi.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.