Daawo Sawiro: Hay’ada Nile Academy Shaqaalahooda oo Maanta Muqdisho iskaga Baxay iyagoo ka Xun Arinkaasi”

0
492

Muqdisho(INO)- Waxaa maalmihii lasoo dhaafay Siyaabo kala duwan magaalada Muqdisho uga dhoofayay shaqaalihii Hay’ada Turkiga laga lahaa ee Nile Academy , kuwaa oo Dowlada Soomaaliya ku amartay in ay si deg deg ah dalka uga baxaan.

Shaqaalhaa Muqdisho ka baxay ee kasoo jeeday dalka Turkiga ayaa ka shaqeenayay Iskuulo iyo xarumo caafimaad oo kuyaala Magaalada Muqdisho uu lahaa Wadaad Ganacsade ah oo lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa Afgembigii fashilmay ee ka dhacay Turkiga.

Sadexdii maalin ee lasoo dhaafay ayaa garoonka Aadan Cadde waxaa siyabao kala duwan uga dhoofay Shaqaalaha Turkiga ee lagu amray in ay ka baxaan magaalada Muqdisho, waxaana la xiray Isbitaalka Deva iyo Iskuulo ay magalaad Muqdisho ku laheed Hay’ada Nile Academy.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Deva DR. Maxamed Al Perto, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in magaalada Muqdisho u yimaadeen in ay caawiyaan dadka Soomaaliyeed, balse ay nasiib daro noqotay in dalka laga saaro lana xiro xarumahoodii.

Hay’ada Nile Academy ee shaqaalahooda dalka laga saaray ayaa waxaa iska leh Wadaad Mucaarad ku ah dalka Turkiga laguna eedeeyay in uu ku lug lahaa Afgambigii Fashimay, waxaana goobaha Nile Academy maamusho ee la xiray kamid ahaa Xarumo waxbarasho iyo goobo caafimaad.

nill_1nill_2nill_3nill_4nill_5nill_6nill_7

 Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.