Marka (INO)—Wararka laga helayo Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Xalay Maleeshiyaad hubeysan ay qafaasheen ku dhawaad 5 Ruux oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee ku sugan Degaanka Ceel-jaale oo ku dhow Magaalada Marka.
Nabadoon Maxamed Axmed oo la hadlay Warbaahinta ee Magaalada Muqdisho ayaa waxuu sheegay in Maleeshiyaad hubeysan ay 4 Oday Dhaqameed kala soo baxeen guryaha ay deganaayeen Degaankaasi.
“Waxaa Xalay Guryahooda lagala baxay 4 Oday dhaqameed oo aad looga yaqaano Degaanka Ceel-jaalle, waxaa falkaasi afduubka ahaa geystay Maleeshiyaad hubeysan” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Axmed.
Nabadoonka ayaa waxu sheegay in aysan ka warqabin waxa keenay afduubka Odayaal Dhaqameedyadaasi.
Ilaa iyo hada lama oga halka ay cirib iyo jaan dhigeen Maleeshiyaadkii qafaashay Odayaashaasi.
Kala soco waxii ku soo kordha Idale News Online hadii Alla Idmo.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.