Dalka Turkiga Oo Looga Dhawaaqay Xaalad Deg-Deg Ah

0
360

erdoganxalad
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay xaalad deg-deg ah oo la gelinayo Turkiga kaddib markii uu dhicisoobay afgambi xilka looga tuurayay isaga.

Erdogan oo wareysi siiyay taleefishinka Al-jazeera ayaa sheegay in afgambiga guusha darreystay ay gacan ku leeyihiin dowlado shisheeye, sidaas daraadeedna uusan wali dhamaan khatartiisa.

Xaaladdan deg-degga ah ayuu ku micneeyay mid lagu “xasilinayo” dalka, wuxuuna sheegay in ay socon doonto muddo saddex bilood ah.

Go`aankan ayuu sheegay in uu qaatay kaddib markii shalay gelinkii dambe uu kulan la qaatay saraakiisha ammaanka dalka gacanta ku haysa.

“Xaaladdan deg-degga ah ee la soo rogay waa mid muhiim u ah dalka si looga sifeeyo haraadiga argagixisada ee gacanta ku leh afgambigii dhicisoobay”, ayuu ku yiri Erdogan shir jaraa`id oo uu qabtay kaddib kulankii uu magaalada Ankara kula qaaday saraakiisha ammaanka.

Fethullah Gülen oo ku nool dalka Mareykanka ayuu madaxweyne Erdogan ku eedeeyay in uu ka dambeeyo abaabulka afgambiga.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.