Daaawo Sawiro: In Ka Badan 187 Qoys Oo Ka Soo Laabteen Dhadhaab Oo Ku Rafaadsan Gudaha Magaalada Baydhabo

0
563

Baydhabo(INO)- In ka badan 187 Qoys Oo Ka mid Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee Dalka Kenya iyo Yemen ayaa Ku Dhibaateysan Gudaha Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, Kuwaasoo Warbaahinta U Sheegen in aysan Haysan Waxyaabihii loo balanqaadey.

Dadkan soo laabatey ayaa Sheegeen in si iskood ah ay isku diiwaan geliyeen inay dib ugu soo laabtaan dalkooda Soomaaliya, maadaama xeryaha Dhadhaab aysan ku haysan nolol wanaagsan, sidoo kalena dalkooda ay  u maleynayeen inay ka jirto Nool wanaagsan iyo Nabad.

Halkan Ka Daawo VIDEO, Wariye Maxamed Aaden Socdaal

Waxayna Dowlada Federalka, Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Weliba Hay’ada UNHCR  u baaqeen inay wax u qabtaaan isla markaana laga dhabeeyo Heshiiskii la wada galey isla markaana la soo gaarsiyo Gargaar Deg deg ah.

Ugu dambeynti, Waxaa jiray heshiis Saddex geesood ah una dhaxeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR kaasi oo ku saabsanaa in si iskood ah loo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee doonaya in dalkooda ku laabtaan.

Halkan Ka Daawo Sawiro.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.